Warakii Ugu Dambeeyay

Somaliland oo amar la yaab leh ka soo saartay Saldhigga Berbera

A-A-A-SIILAANYO

Somaliland – Tabiye.com- Maamulka Somaliland aya amar kulul kusoo rogay Saxaafadda kaa oo ku salaysan inaysan ka hadli karin Saldhigga Milatari ee Imaaraadku laga siiyay Magaalada Berbera.

Waasiirka Warfaafinta Somaliland Ismaciil Saxardiid Caddaani,ayaa saxaafadda ugu hanjabay hadii uu Wariye ama warbaahintii ka hadasha arrinta saldhigga Berbera oo uu sheegay in ay tahay sharci sidaas darteedna aanay lafa guri Karin Warbaahinta.

Waxaa uu Waasiirka Warfaafinta Somaliland difaacay in Saldhiggaas uu noqday mid khuseeya amniga Somaliland,ciddii isku dayda in ay si qaldan uga hadashana ay sharciga Somaliland la tiigsan doonaan.

Baarlamaanka Somaliland ayuu sheegay in uu meel mariyay Saldhigga sidaas darteedna uu muhiim u yahay amniga Somaliland lana maqli Karin warbaahin wax taban ka qoreysa Saldhigaas.

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]