Warakii Ugu Dambeeyay

Taliye kuxigeenkii hore ee NISA oo lagu Dhaawacay Magaalada Muqdisho.

NISA-NISA

Muqdisho- Tabiye.com- Taliye kuxigeenkii hore ee Nabadsugida Qaranka Xasan Maxamed Cali oo loo yaqaano Xasan Dheere ayaa goor dhow lagu dhaawacay magaalada Muqdisho.

Dabley hubeysan ayaa gaari uu la socday Taliye kuxigeenkii hore waxa ay ku rasaaseeyeen degmada Xamar weyne, Isgoyska Ceel Gaabta.

Wararka ayaa sheegay in Jeneraal Xassan Dheere uu ku dhaawacmay weerarka halka uu ku dhaawacmay darawalkiisa.

Jeneraal Xassan Dheere waxay isku dhowyihiin Gaafoow taliyaha ugu sarreeya Sirdoonka DF-ka wuxuuna tababar kusoo qaatay dalka dibaddiisa.

Waa weerarkii labaad oo ceynkaan ah oo ka dhaco magaalada Muqdisho tan iyo markii madaxweyne loo Doortay Max’med Cabdullaahi Farmaajo.

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]