Warakii Ugu Dambeeyay

Turkiga oo balan qaaday dedejinta dhismaha Xarunta Golaha Shacabka

Turkiga

Muqdisho- Tabiye.com- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Safiirrada dowladaha Norway iyo Turkey u fadhiya magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa qaabilay danjiraha Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliye Danjire Mr Victor Ronneberg oo uu wehliyey Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Norway u qaabilsan Soomaaliya Mr Jens Mjaugedal waxaana uu kala hadlay iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaallaha iyo hormarinta ee labada dal iyo in dowladda Norway ay Soomaaliya ka taageerto xoojinta Dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaamka Axzaabta Siyaasadda.

Waxa uu sidoo kale Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” la kulmay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho Danjire Olgan Bekar waxaana uu Guddoomiyaha kala hadlay safiirka dedejinta dhismaha guddiyada saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan iyo in sidoo kale la dedejiyo dhismaha Xarunta Golaha Shacabka.

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]