Warakii Ugu Dambeeyay

Waa Maxay Aqalka Sare iyo Aqalka Hoose?

Doorasho3

“Sanadahaan waxaa dhegaha shacabka Soomaalida ku batay Erayada “aqalka Hoose” iyo “Aqalka Sare” oo ah eray bixinno laga soo minguuriyay Dowladaha saaxiibada la’ah Soomaaliya kaa oo ay kusoo kordhiyeen, Siyaasadda dalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka iyo Q.Midoobe ayaa markii ay arkeen inay ku fashilmeen qaban qaabinta doorashooyinka qof iyo cod, waxay bilaabeen in ay magacyo cusub kusoo kordhiyaan hab dhismeedka dowladda Federaalka oo muddo kabadan 10 sanadood laheyd gole baarlamaan oo qaab beeleed lagu,soo xulay.

Halkee laga soo minguuriyay aqalka Hoose” iyo “Aqalka Sare”

Aqalka sare iyo aqalka Hoose waa laga soo minguuriyay wadamada Ingiriiska iyo Mareykanka oo hanaankaasi kusoo dhaqmayay ku dhawaad 100 sanadood.

Dowladii ugu horraysay ee isticmaasha Aqalka sare”

Aqalka sare waxaa markii ugu horraysay isticmaashay waxa ay aheed Ingiriiska waana hab loogu talagalay in lagu uruuriyo khubarada howlgabka ah ee horay usoo shaqeeyay sida ciyaartooyda,saraakiisha ciidanka howlgabka ah iyo siyaasiyiin.

Dowladii ugu horraysay ee isticmaasha Aqalka Hoose”

Aqalka hoose ayaa isna ah mid magac uyeel ah oo laga soo minguuriyay Mareykanka inkastoo markii dambe Mareykanka uu u rogtay aqalka sare golaha odayaasha, waa odayaal guri ladajiyay oo marwalba dhaqaale ku baxo waxa ay qabtaana ay iska yartahay.

Waxaa xusida mudan in dhammaan labada gole ee dowladda Federaalka ay hadda ku mashaquulsantahay lagusoo xulayo qaab beeleed iyo lacago laaluush ah waana arrin aan ka duweyn qaabkii hore marka laga reebo iyo magacyo cusub loo bixiyay si ra’yul caamka soomaalida loo jiha wareeriyo.

Warbixintaan: Waxa ay u gaar tahay Shabakadda Warbaahinta Tabiyenews.com,  Xafiiska Soomaaliya

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]