Warakii Ugu Dambeeyay

Weerar qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Baay

Dagaal

Gobolka Baay:- Wararka ka imaanaya degaanka Saydheelow oo ka tirsan Gobolka Baay, ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, ay saaka qaadeen duulaan qorsheysan ay kuqaadeen saldhig ay lahayeen Al-shabaab.

Weerarkaasi ayaa la sheegay in lagu dilay Shan nin oo ka tirsan xarakada Al Shabaab, sida uu sheegay Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka Maamulka Koonfur Galbeed.

Dadka deegaanka oo lahadlay Warbaahinta Tabiyenews.com waxa ay inoo sheegeen inay maqlayeen dhawaqa madaafiic cul culus oo dhexmaray labada dhinac, manajirto wax war ah oo kazoo baxay kooxda shabaan marka laga reebo Maamulka Koonfur Galbeed.

Wixii Dheeraad ah Lasoco Tabiyenews.com   

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com