Warakii Ugu Dambeeyay

Xamza Bin laden oo lagu daray Liiska argagaxisada

 

Xamza Bin laden

Maraykanka:- Dowladda Maryakanka ayaa liiska argagixisada ku dartay wiil uu dhalay hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida Osama Bin Laden,kadib markii lagu tilmaamay in wiilkaas uu halis ku yahay dalka Maraykanka.

Wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka ayaa Xamza ku dartay liiska kooxaha argagixisada waxayna taasi ka dhigan tahay in qof Maraykan ah ay mamnuuc ka tahay inuu wax ganacsi ah la yeesho wiilkaasi.

Wiilkan oo la yiraahdo Xamza Bin laden ayaa ah dhowr iyo labaatan jir, wuxuuna noqday xubin ka tirsan Alqaacida tan iyo dhimashadii aabihii.

2015-tii ayay al-Qaeda  soo daysay cod uu duubay Xamza, oo ku baaqaya in taageerayaasha Kabul, Baghdad iyo Qaza ay weerar ku qaadaan, Washington, London, Paris iyo Tel Aviv.

 

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com