Warakii Ugu Dambeeyay

Xasan Shiikh oo ku soo biiray Twitter-ka

twitter-xasan

Madaxweynaha xilkiisa dhamaaday ee dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Musharax u taagan xilka Madaxweynaha ayaa markii u horeysay Twitter-ka isagoo sameystay Akoon u gaar ah.

Bogga cusub ee Madaxweynaha ka sameystay Twitter-ka ayaa la sameeyay bishii hore, waxaana cinwaankiisu yahay @HEhassansheikh.

Kusoo biirista Twitter-ka ee xiligaan, ayaa loo arkaa mid uu madaxweynaha ku doonayo inuu ololihiisa doorashada qeyb uga dhigo, maadaama Fariimo qoraaleedkii u dambeeyay ee la soo dhigay barta Twitter-ka Madaxweynaha ayaa u badnaa halku dhigyo ku aadanaa ololaha doorashada sida “Qabyo ninkeeda ayaa dhameystira #Qabyotire Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxtooyada Somalia ayaa horay u laheyd Bog Twitter, taasoo ka dhigan mid aan Madaxweynuhu gaar u aheyn, maadaama magaca uu wato yahay ee Villa Somalia uu noqon karo mid ka dhaxeeya Madaxweyne kasta oo xafiiska yimaada, waxaana boggan Twitter-ka uu yahay mid dad ka badna 80-kun ay Follow ku yihiin.

 

 

 

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]