Warakii Ugu Dambeeyay

XOG CUSUB: Imaaraadka Carabta oo ku fashilantay Qorshe ay u Dagtay madaxweyne Xasan Shiikh!!!

XASAN

MUQDISHO: Safiirka dowlada Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia oo muddo bil ka badan ku sugnaa magaalada Nairobi ayaa waxaa la soo deristay xaalad adag ka dib markii uu ku fashilmay qorsheyaal ka dhan ah soo laabashada Madaxweyne Xasan oo uu halkaas u joogay.

Safiirka dowlada Imaaraadka ayaa dowlada Kenya kala hadlay qorshe uu watay oo ku saabsan in Cumar C/rashiid la taageero si uu ugu soo baxo maadaama, doorashada Madaxweynaha Somalia ee dhowaan la qaban doono, go’doomin siyaasadeedna la geliyo Xasan Shiikh oo mar kale doonaya inuu ku soo laabto kursiga.

Arintaasi oo aheed mid dhabarka looga jabinayo ololaha xoogan oo uu dhankiisa wado madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Shiikh,

Balse ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyey in dowlada Kenya ay si cad uga hor timid qorshahaas, iyadoo u sheegtay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya inaysan la shaqayn karayn Murashax Cumar Cabdirashiid oo ay ku tilmaameen inuu yahay Siyaasi aan miisaan ku laheyn Soomaaliya,

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Xasan Shiikh dhankiisa waxa uu dheelayaa dheel ka xamaasadeysan mida Imaaraadka carabta ay wado.

Safiirka Imaaraadka Carabta oo horay ugu fashilmay in dowlada Kenya uu ka dhaadhiciyo in Madaxwayne Xasan Shiikh Mar kale lagu garab galo kursiga, ayaa haddana markii ay isku dhaceen madaxweynaha markii labaad haddana ku fashilmay in Dowladda Kenya uu ka dhaadhiciyo inaan la dooran Xasan Shiikh.

Guux hoose oo looga soo horjeedo danjiraha Imaaraatka ayaa mudooyinan ka jiray Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho ka dib markii dowlada wadankaas ay casuumaad u fidisay madaxda maamul goboleedyada dalka, iyagoo kala hadlay arrimo ku saabsan sidii looga hortegi lahaa in Xasan Shiikh uu mar kale ku soo laabto kursiga taas bedelkeedna la siinayo malaayiin dollar.

Nagala Soo Xiriir:- [email protected]