Warakii Ugu Dambeeyay

XOG CUSUB:-Mooshin laga keenay Madaxweynaha Galmudug

guuleed

Cadaado:- Kulan ay wada qaateen  Qaar kamid ah Xildhibaanada maamulka Galmudug waxaana kulan kaas looga hadlay Abaaraha iyo Siyaasadda ee ka jirta Degaanada Galmudug.

Kulankan ay wada qaateen xildhibaanada Galmudug ayaa waxa uu ka dhacay Magaalada Cadaado waxaana Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Ajendeyaasha waxaa ka mid ahaa Mooshin Xilka qaadis ah oo ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Mooshinka Xilka qaadista ah waxaa keenay ilaa 46 Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug.

Arintaan waxa ay timid kadib markii Madaxweynaha Galmudug uu Shalay Joojiyay Dhamaan Shaqada hay’adda maamulka Galmudug,waxaana muuqata inuu jiro Khilaaf Xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Lasoco wixii dheeraad ah Tabiyenews.com

Nagala Soo Xiriir:- Info@Tabiyenews.com